Wadamada Islaamka oo maanta dhammaystiraya 30 bisha Shacbaan, khamiista beri ah ay u tahay maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Wadamada Islaamka oo ay maalinta 1aad ee bishaan barakeysan ee Ramadaan u tahay Khamiis, 19 Febraayo 2026 (oo aan soomeyn maanta, oo Arbaco ah waxaa ka mid ah:- Turkey, Indonesia, Singapore, Egypt, Malaysia, Brunei, Jordan, Oman, Uzbekistan, Kazakhstan, Azerbaijan, Philippines (gobollada Muslimiinta), Japan (jaaliyadaha Muslimiinta), iyo dalal kale.

Dalalkan ayaa ku dhawaaqay in ay maanta dhammeystirayaan 30-ka maalmood ee bisha Shacbaan, sida ay shaaciyeen wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta ee dalalkooda.