Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo Kormeer Shaqo ku Tagay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Xasan Ibraahim oo uu wheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax.
Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda, isagoo kala hadlay dardargelinta howlaha shaqo iyo xoojinta qorshayaasha horumarinta.