Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Xoojiyey Ammaanka iyo Wada-shaqeynta Bulshada xilliga Ramadaan

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa shir-gudoomiyey kullanka Todobaadlaha ee Hogaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada madaxa banaan oo looga hadlay adkeynta Amniga guud maadama lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan .
Saraakiisha ayuu Taliyuhu faray in Dadweynaha loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka xiliyada afurka loo socdo , lana adkeeyo xiriirka Bulshada iyo Boliiska oo xiligan maraya halkii ugu saraysay.