π‡πšπ²β€™πšππšπ‘πš π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 πŒπ’ππ¨π¨π›πšπ² 𝐨𝐨 π’π‘πšπšπœπ’π²πšπ² π‡πžπžπ«π€πš π‡πšπ₯𝐒𝐬 𝐞𝐞 π€π›πšπšπ«π­πš πƒπšπ₯𝐀𝐚.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo, ayaa qabtay shir jaraa’id oo degdeg ah oo lagu shaaciyay in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.
Labada masuul ayaa si wadajir ah u sheegay in abaartu si baahsan u saameysay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo ay jirto cunno-yari, biyo la’aan iyo barakac sii kordhaya. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dad ay u dhinteen saameynta gaajada iyo harraadka, gaar ahaan carruur iyo waayeel ku nool deegaanno katirsan dalka.
George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo mideysan, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo ka sii darta tan jirta. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhaqso leh u kordhiyaan taageerada dhaqaale iyo midda gurmad si loo badbaadiyo nolosha malaayiinta qof ee halista ku jira.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ay abaartu saameysay, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo aan haysan cunto iyo biyo mid nah. Wuxuu tilmaamay in xarumaha caafimaadka ay soo sheegayaan nafaqo-darro baahsan oo soo food saartay carruurta, isla markaana ay kordhayaan qoysaska ka barakacaya miyiga una soo hayaamaya magaalooyinka.