Dhuusamareeb,Feb, 25, 2026; Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daah-furka dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo deegaanka Qaradhi, taasi oo dhererkeedu gaarayo 60-KM.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Galmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka oo laf-dhabar u ah isku socodka bulshada iyo kobaca ganacsiga, isaga oo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada, fududeynta socodka iyo sare u qaadista fursadaha horumarineed ee Galmudug.
Mashruucan dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub (EU), waxaana munaasabadda daah-furla mashruuca ka qayb galay, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

