Maamulka Jubbaland oo joojiyay hirgelinta degmooyin cusub

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegtay in la joojiyay hirgelinta tuulooyin, degmooyin iyo magaalooyin lagu soo daro Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay sharci ka soo saareen arrintan loona baahan yahay in shacabka iyo madaxda kale ay u hogaansamaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha gudaha looga baahan yahay in sharciyada ay hirgeliso kana hortagto cid walbo oo dooneyso iney sharciga ka talaabsato.

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday olole magaalooyin iyo degmooyin cusub loogu soo darayo Jubbaland balse waxaa arrintaas ka soo horjeestay madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.