Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo NIS Foundation Kala Hadlay Dib-u-heshiisiin, Xasilin iyo Taageerada Bulshooyinka Nugul

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda NIS Foundation, oo uu hoggaaminayay Wakiilkooda Soomaaliya Mudane Kassim Gabowduale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta bulshada, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee u dhexeeya Dowladda iyo Bulshada si wax looga qabto khilaafaadka ka jira deegaannada qaar ee dalka. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la helo xalal waara oo lagu wajahayo caqabadaha amni, bulsho iyo kuwo bini’aadannimo ee saameeya bulshada nugul.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada iyo soo kabashada goobaha ay ku nool yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan xilliyada adag, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo barnaamijyada gargaar, dib-u-dhis iyo adkeynta adkaysiga bulshada (resilience). Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu muujiyay sida ay labada dhinac uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo lagu gaari karo nabad, xasilooni iyo horumar waara.