Maamulka Gobolka Banaadir oo Si Rasmi ah u Kala Wareejiyay Xilalka Agaasimayaasha Cusub

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta oo Khamiis ah hoggaamiyay munaasabad ay si rasmi ah ay xilalka ugu kala wareegayeen Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilalka loogu kala wareejiyay masuuliyiinta kala ah: Mudane Cabdi Salaam Daahir Magan, Agaasimaha cusub ee Waaxda Gurmadka Degdegga, oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee waaxdaasi Mudane Cabdicasiis Goodax Barre, iyo Sidoo kale, Mudane Ismaaciil Faarax Diiriye, Agaasimaha cusub ee Waaxda Howlaha Guud, oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Cabdirisaaq Axmed Salaad.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa munaasabadda ka bogaadiyay mas’uuliyiinta xilka wareejiyay, oo uu ku ammaanay dadaalkii ay soo bixiyeen, isagoo Agaasimayaasha cusub ku dhiirigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla-xisaabtanka iyo u adeegidda bulshada caasimadda.
Agaasimayaasha maanta xilalka la wareegay ayaa waxaa shalay – (25-ka bisha Febraayo 2026) – magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).