Iran iyo Mareykanka ayaa wali ku jira xaalad is-afgaran la’aan ah oo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukleerka ee Iran, iyadoo wareegii saddexaad ee wadahadallada laga yeeshay magaalada Geneva uu maanta qaatay saddex saacadood. Kulankan ayaa waxaa lagu balamay in dhinacyadu dib ugu soo laabtaan wada-hadallada bari, si loo sii wado dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka taagan.
Mareykanka ayaa kulanka soo bandhigay shuruudo adag, oo ay ugu weyn tahay in Iran ay gabi ahaanba burburiso xarumaha bacriminta nukleerka, oo ay ka mid tahay xarunta caanka ah ee Isfahan Nuclear Facility. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dhinaca amniga caalamiga ah, halka Iran ay wali adkaysay in barnaamijkeeda nukleerka uu yahay mid nabad ah, isla markaana uusan ka leexan doonin shuruucda caalamiga ah ee nukleerka.
Wadahadalladan ayaa ah qeyb ka mid ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo khilaafka nukleerka Iran, kuwaas oo saameyn weyn ku leh siyaasadda gobolka iyo xiriirka Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka. Iyadoo la sugayo wareegga xiga, dhamaan dhinacyadu waxay muujinayaan in wadahadalladu ay tahay fursad lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara.