Golaha Wasiirrada oo Kulan ka Yeeshay Amniga, Siyaasadda, iyo Gurmadka Abaarta ee Jubaland

shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Jubaland, iyadoo ka warbixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaano kala duwan, kuwaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa ka warbixisay xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka oo khatar ku ah deegaanka.
Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland. Wasaaraddu waxay sheegtay in gurmad raashiin ah la gaarsiiyay qoysaska ay abaartu saameysay, isla markaana ay sii wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka jawaabidda xaaladda bani’aadannimo, iyagoo kaashanaya hay’adaha Dowladda iyo bahwadaagtooda.