Madaxweyne Laftagareen oo Shir Guddoomiyey Golaha Wasiirrada, Lagana Dooday Amniga, Abaarta iyo Horumarinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, Abaaraha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.
Shirka ayaa lagu lafaguray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Howlgalada socda ee lagu bacsanayo Khawaarijta, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Shacabka si loo sugo nabadgelyo waarta. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixinno ka dhageystay wasaaradaha kala duwan oo ku saabsan adeegyada caafimaadka, biyaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku boorriyey xubnaha Golaha Wasiirada in ay dardar geliyaan qorshayaasha horumarineed, isla markaana laba jibbaaraan dadaallada lagu gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah dhammaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed. Waxa uu xusay in dowladdu ay ka go’an tahay horumar, xasillooni iyo u adeegidda shacabka.