Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu u kormeero xaaladda abaarta ee ka jirta deegaannada Galmudug isla markaana uu iskugu duwo howlaha gargaarka bini’aadannimo ee halkaas ka socda.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), iyo Guddiga Abaaraha Galmudug.
Socdaalka Guddoomiye Maxamuud macalin Cabdulle waxay la xiriirta qiimeynta xaaladda abaarta iyo xoojinta dadaallada gurmadka. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda Galmudug iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, si loo dardargeliyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay.