Shirweynaha Difaaca Dastuurka Oo Lagu Adkeeyay Ilaalinta Midnimada Qaranka

Maanta waxaa qabsoomay Shirweynaha Difaaca Dastuurka, waxaana si wadajir ah uga qayb galay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay ilaalinta iyo difaaca Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu ansixiyay heshiis qaran oo ay ku mideysnaayeen saamileyda siyaasadda dalka.
Goluhu wuxuu si cad u muujiyay mowqifkiisa ah in aan la aqbali doonin wax ka beddelka hadda lagu wado Dastuurka, iyagoo ku dooday in ay lama huraan tahay ilaalinta midnimada qaranka, wadajirka shacabka, iyo xasilloonida sharciyeed ee dalka.
Sidoo kale, waxaa baaq loo diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed:
In la xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada
In si degdeg ah gurmad loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha
In la badbaadiyo nolosha iyo mustaqbalka dadka nugul
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu mar kale adkeeyay in mas’uuliyadda ilaalinta Dastuurka iyo badbaadinta shacabka ay tahay waajib qaran oo wada saaran dhammaan ummadda Soomaaliyeed.