IIRAAN:- “Weerarrada gardarada ah ee Dowlada Mareykanka, Dan Uma Ahan Shacabka Dalkaasi USA”

IIRAAN:- “Weerarrada gardarada ah ee Dowlada Mareykanka, Dan Uma Ahan Shacabka Dalkaasi USA”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in weerarrada Mareykanka ay u adeegayaan oo keliya danaha Isr*’11l, balse aysan dan u ahayn shacabka weynaha Mareykanka.

Baghaei oo la hadlay warbaahinta Al Jazeera ayaa xusay in Iiraan aysan doonayn dagaal, isla markaana ay diyaar u ahayd xal diblomaasiyadeed. Waxa uu intaasi ku daray in ay ahaayeen wadahadaladaasi kuwa lagu maaweelinayey,Wuxuu ku eedeeyay Mareykanka inuu wado dagaal gardarro ah oo saameyn ku leh dhammaan dalalka gobolka, hadii uu toos u qarxana inuu joogsadaa ay aadkaan doono.

Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay inay xiriir saaxiibtinimo la leedahay dalalka gobolka, balse ay Mareykanka ay u arkaan mid colaadda sii hurinaya, dhankoodana ay ka go’an tahay in ay bartilmaameedsan doonaa Saldhiyadiisa milatari iyo safaaradaha uu Gobolka ku leeyahay.