Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, iyadoo kulanka looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adkeynta xiriirka labada Ciidan.
Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka qaadato taageerada joogtada ah ee Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhanka tababarka iyo qalabeynta.
Dhankiisa u Qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga Captain (Navy) Antonino MAZZOCCA ayaa sheegay in dawladdiisa Ka go’an tahay inay sii wado taageerada iyo iskaashiga, iyada oo la tixgelinayo muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.