Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shaaciyay in Mareykanka loo oggolaaday isticmaalka saldhigga milatari ee ku yaalla jasiiradda Diego Garcia, si uu u fuliyo weerarro difaac ah oo ka dhan ah Iran.
Saldhiggan oo ku yaalla Badweynta Hindiya, kana tirsan Jasiiradaha Chagos, ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo ay wada adeegsadaan UK iyo Mareykanka.
Starmer ayaa sheegay in tallaabadan lagu doonayo in looga hortago gantaallo ay Iran ku beegsato dalalka gobolka, islamarkaana lagu ilaaliyo rayidka iyo muwaadiniinta British-ka ah.
Arrintan waxay timid kaddib markii hore UK u diiday in saldhigyadeeda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, balse hadda go’aankaas dib loo beddelay.
