Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay Wakiilka Unicef ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.
Marwo Sandra Lattouf, ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa hey’adda UNICEF, iyo sidii ay uga taageeri lahayd adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.