Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Dastuurka Rasmiga ah, Kuna Soo Gabagabeeyay Geeddi-socod 13 Sano Socday

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo si rasmi ah u soo gabagabeysay geeddi-socod dib-u-eegis qaran oo socday in ka badan 13 sano.
Ansixinta dastuurka ayaa ah marxalad cusub oo taariikhi ah, iyadoo si buuxda dastuurku uga gudbay ku-meel-gaarnimo loona tallaabsaday dowladnimo dhammaystiran oo ku dhisan dastuur rasmi ah.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan hay’adaha dowliga ah guushan Taariikhiga ah, isaga oo bogaadiyey doorka hoggaamineed ee, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Baarlaamaanka labada aqal Dowlad-Goboleedyada, hay’adaha u Xilsaaran Arrimaha Dastuurka, iyo bulshada Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadatay geeddi socodka dhameystirka dastuurka.