Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan guddiga abaaraha Galmudug, ayaa maanta booqday deegaanka Qalqaloocan ee gobolka Mudug,
halkaas oo dhawaan abaarta ka jirta deegaankaas ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Allaha u naxariistee, Mire Xirsi Diini.
halkaas oo dhawaan abaarta ka jirta deegaankaas ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Allaha u naxariistee, Mire Xirsi Diini.Guddoomiyaha oo dadka deegaanka uga warameen xaaladaha adag ay wajahayaan, ayaa ku wareejiyay 50 booyadood oo biyo-dhaamin degdeg ah ka sameynaya tuuladaas.