Sawirradaan cusub ayaa muujinaya burbur ka dhashay drones nuuc isqarxiya ah ku dhacay dhisme ku dhow Erbil International Airport ee magaalada Erbil gudaha Iraq halkaasi oo ay fariinama saldhig u ah Ciidamo Ameerikaan ah.
Dadka deegaanka ayaa lagu arkay iyagoo isugu soo baxay goobta ay ku daateen burburka drone-ka, halka ciidamada ammaanka ee Ciraaq ay baarayeen khasaaraha ka dhashay weerarkaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ir*n ay bartilmaameed keedu ahaa danaha Ciidamada Mareykanka iyo saldhigyada ku yaalla Ciraq tan iyo markii la weeraray Iran maalintii Sabtida.
