asiirka Gaashaandhigga XFS iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo La-dagaallanka Argagixisada”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka, Justin Davis, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta dhinaca difaaca, la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo isku-duwidda dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta muhiimka ah iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta, iyo taageerada howlgallada la-dagaallanka argagixisada.