Iran oo sheegtay in Marinka Hormuz uu furan yahay.

Milatariga Iran ayaa sheegay in marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz uu weli furan yahay, balse ay beegsan doonaan maraakiib kasta oo ay leeyihiin Mareykanka ama Israel haddii ay isku dayaan inay maraan.

Iran waxay sheegtay in aysan xirayn marinkaasi, laakiin khatarta dagaalka ka socota Bariga Dhexe ay sababtay in maraakiib badan ay ka baqaan inay maraan.

Marinka Hormuz ayaa ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, waxaana maalin kasta mara boqolaal maraakiib oo qaada shidaalka Khaliijka.