Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Madey Nurey Sheekh “Uforow”, ayaa maanta si rasmi ah xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka XDS iyo ku-simaha Taliyaha Ciidanka Cirka. Xil-wareejintaan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo isku-xirnaanta hogaanka Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah taliska maamul ee Ciidanka Cirka, hoggaanka Taliska Guud ee XDS, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada, kuwaas oo ka qeyb-galay si ay uga mid noqdaan hawlgalka hogaaminta ciidamada cirka.
Gen. Madey Nurey Sheekh “Uforow” ayaa xilalka si rasmi ah ugu kala wareejiyey Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Cirka, G/Sare Cali Ibraahim Cabdi, iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka, Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji. Wareejinta xilalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha hufan ee maamulka iyo shaqada ciidamada cirka, isla markaana dhiirrigelinaysa hogaaminta iyo xirfadda saraakiisha cusub.
Gen. Madey Nurey Sheekh ayaa intaa ku daray in xil-wareejinta noocan ah ay ka tarjumayso kalsoonida iyo taageerada ay ciidamada XDS u hayaan hogaanka cusub, ayna qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo awooda iyo tayada Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka, Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa sheegay inuu ka go’an yahay hormarinta iyo tayeynta ciidanka, iyo in la xoojiyo diyaargarowga hawlgallada cirka ee dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada ciidamada iyo adeegga bulshada.
Xil-wareejintan ayaa sidoo kale muujinaysa hufnaanta iyo nidaamka maamul ee ciidamada XDS, iyadoo la hubinayo in shaqooyinka muhiimka ah ay sii socdaan iyadoo la dhowrayo nidaamka hogaaminta iyo xiriirka dhaxalgalka ah ee ciidanka.