Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Somalia ayaa maanta kormeeray goobta laga qodayo ceel biyood cusub oo loogu talagalay xarunta Wasaaradda. Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirka ayaa ka xog-wareystay injineerada ku howlan farsamada iyo hamsami u socodka ceelka.
Ceelkan cusub ayaa qayb ka noqon doona dadaallada Wasaaradda ee lagu xaqiijinayo helitaanka biyo joogto ah oo madax-bannaan, isla markaana lagu dhimayo kharashka ku baxa biyaha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeeray nidaamka tamarta ee cadceedda ku shaqeeya (solar power system) ee dhawaan lagu rakibay xarunta Wasaaradda. Nidaamkan ayaa bixinaya koronto nadiif ah, joogto ah, isla markaana hoos u dhigaya ku tiirsanaanta ilaha kale ee korontada.
Mashruucyadan ayaa ka tarjumaya dadaallada Wasaaradda ee ku wajahan isku-filnaansho, hufnaan, iyo xalal waara. Waxa kale oo ay qayb ka yihiin u diyaar-garowga xarig-jarka rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda, kaasoo la qorsheeyay in la qabto bisha Ramadaan kaddib.