Erdogan Muxu kala hadlay hoggaamiyaha Kurdistan ee Ciraaq?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Nechirvan Barzani, madaxweynaha Maamulka Ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha milatari ee Bariga Dhexe.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo milatari ee gobolka, gaar ahaan isbeddellada ugu dambeeyay ee dagaallada iyo xiisadaha sii kordhaya.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu si buuxda ula garab taagan yahay Ciraaq xilligan uu ku tilmaamay mid aad u muhiim ah oo xasaasi ah.

Wuxuu sidoo kale ka digay in horumarro cusub oo ka dhaca gobolka ay sababi karaan qalalaase ama xiisad muddo dheer socon karta, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta amniga gobolka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Ankara ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada ururo iyo kooxo la xiriira, iyadoo ay jirto walaac ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee gobolka.

Wadahadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in qaar ka mid ah kooxo hubeysan oo Kurdish ah ay suurtagal tahay inay la shaqeynayaan ciidamada Maraykanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.

Turkiga ayaa muddo dheer ka muujinayay walaac ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxaha Kurdish ee hubeysan, kuwaas oo Ankara u aragto inay khatar ku yihiin amniga qaranka.

Dhanka kale, Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu si xooggan uga shaqeynayo in la yareeyo xiisadda gobolka, isla markaana dib loogu laabto wadahadallo siyaasadeed iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal ballaaran oo Bariga Dhexe ka dhaca.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in xiriirka iyo wada hadallada u dhexeeya Ankara iyo hoggaanka Kurdistan ay door muhiim ah ka ciyaari karaan xasilloonida Ciraaq iyo guud ahaan gobolka xilli ay sii kordhayaan khataraha dagaalka.