Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania ee Nawakshoot (Nouakchott).
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqday Shirweynahaasi sababo la xiriira Munaasabadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed iyo Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo oo berrito loo dabaal degi doono.
Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta ka furmayo caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshotwaxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.
Madaxweynaha dalka Ruwanda, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, Paul Kigambe waxa uu shalay gaaray caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad C/casiis.