Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo WFP, gaar ahaan horumarinta barnaamijyada ilaalinta bulshada, taageerada dadka nugul, iyo dadaallada lagu xoojinayo badbaadada iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.
Wafdiga WFP waxaa hoggaaminayay Mudane Hameed Nuru Agaasimaha Maamulka Hay’adda, waxaana sidoo kale ka mid ahayd Marwo Hamdi Khalif Madaxa Ilaalinta Bulshada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yusuf Xasan Isaaq(Yusuf Wadani), iyo qaar ka mid ah lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga si loo dardargeliyo barnaamijyada taageerada iyo ilaalinta bulshada ee dalka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Cuntada Adduunka taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo dadka nugul.