Madaxweynaha Jubaland oo Qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.