Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in howlgalada militari ee Mareykanka iyo Israel ay ka fuliyeen Iran ay gaareen horumar weyn oo ku wajahan dhamaystirka ujeeddooyinka dagaalka.
Trump oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Doral ee gobolka Florida ayaa sheegay in sagaalkii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada Mareykanka iyo Israel fuliyeen qaar ka mid ah weerarradii militari ee ugu awoodda badnaa ee dunidu aragto.
Sida uu sheegay, howlgaladan ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday warshadaha drones-ka iyo gantaallada Iran, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah awoodda militari ee dalkaas.
Trump ayaa ku andacooday in awoodda gantaallada Iran ay hoos ugu dhacday qiyaastii 10% ama ka yar kadib weerarro lagu qaaday xarumaha lagu farsameeyo iyo lagu kaydiyo gantaallada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka iyo Israel ay beegsadeen in ka badan 5,000 bartilmaameed militari oo ku yaalla gudaha Iran, kuwaas oo ay ku jiraan goobo aad muhiim u ah oo ka tirsan kaabayaasha militari ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu sheegay in bartilmaameedyo kale oo muhiim ah, oo ay ku jiraan kaabayaasha korontada, loo reebay mustaqbalka haddii ay lagama maarmaan noqoto in la sii kordhiyo weerarrada.
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filayo in dagaalka Iran uu soo afjarmi doono waqti dhow, inkastoo khubarada siyaasadda ay sheegayaan in xaaladda gobolka ay weli tahay mid aad u kacsan.
