“SoDMA: Soomaaliya Waxay U Gudubtay Dhisidda Nidaamyo Wax ku Ool u ah Ka Jawaabista Masiibooyinka”

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii doodaha iyo qorsheynta, isla markaana loo gudbay dhisidda nidaamyo rasmi ah oo wax ku ool u ah ka jawaabista masiibooyinka.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si joogto ah ula tacaasho abaaro, colaado iyo saameynta isbeddelka cimilada, sidaas darteedna aan la dhayalsan karin khasaaraha ka dhasha dib-u-dhaca gurmadka masiibooyinka.
Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa caddeeyay in Siyaasadda Cusub ee Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay u aqoonsatay Nidaamka Badbaadada Bulshada ee ka jawaabista Masiibooyinka (SRSP) inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah gurmadka qaranka, isagoo uga mahadceliyay Hay’adaha FCDO ee UK iyo WFP taageerada ay ka geysteen dhisidda nidaamkan.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay saaxiibada caalamka in wixii taageero ah hada kadib lagu shubo Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka (National DRM Fund) si loo xoojiyo awooda qaranka, korna loogu qaado ka jawaabista xaaladaha bini’aadannimo ee dalka.