Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Hassan Abduqaadir Mohamed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkiga, gaar ahaan Hay’adda Samafalka ee CARE, kuwaas oo magaalada Baydhabo usoo gaaray si ay uga qayb qaataan taageeridda iyo caawinta dadka danyarta ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka, gaar ahaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaar bani’aadannimo dadka u baahan ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo dadaalka ay ugu jiraan caawinta bulshada nugul, isaga oo tilmaamay in Dowladda Koonfur Galbeed ay soo dhoweynayso dhammaan hay’adaha diyaar u ah inay ka shaqeeyaan samafalka iyo horumarinta bulshada.