RW YHD Netanyahu oo fariin lama filaan ah u diray shacabka Ir*an! taasi oo u muuqatay mid uu cadayn uga dhigayo inuu Nool yahay, ayaa ku daabacay bartiisa bulshada, baaq uu u dirayo shacabka Ir*an inay ka faa’iidaystaan waxa uu ugu yeeray “fursad mar la arag ah!” asaga oo ku booriyey reer Ir*an si ay u ridaan nidaamkii Ayatollah ee dalka ka taliyey mudda dheer.
Halkaan Natanyahu kasoo yeeray ayaa aad loo layaabay, kaasi oo imaanaya Xili Ir*an ay gaartay guulo waaweyn, marka loo eego Qorshihii ay dajiyeen mareykanka iyo ISRL in la qaado dagaal kooban khasaarihiisa yar yahay, lagu beegsado Huggaamiye Ayatullaahi Khamenei, deg degna loo badalo Xukunkii hore, ugu dambayna la dhiso Nidaam ay talo ku leeyihiin, balse waxa dhacay wax badan oo aysan marnaba filayn taasi oo ah Awooda, Maamulka iyo Qadarta ALLAAH (SWT).
