EMAARAADKA “ WAXAAN KA HORTAGNAY MOWJADO DUUFAANO GANTAALO BALLASTTIC AH”
Dowladda Emaaraadka (UAE) ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay hadda la tacaalayaan gantaallo ballistic ah oo aad u badan oo laga soo tuuray Ir*an. Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in ciidamadu ku jiraan heegan buuxa si loo ilaaliyo badbaadada shacabka.
Weerarkan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay aad u sii kacayso kadib markii USA iyo ISRL ay 28-kii Febraayo weerar ku qaadeen Iran. Imaaraadka, oo xiriir amni iyo mid siyaasadeed la leh YHD, ayaa noqday mid ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu bartilmaameedsaday weerarrada iskugu jira nuucyada kala duwan ee gantaalaha iyo Drones ee Ir*an.
