Ciidamada milatariga ee Baxrayn ayaa shaaciyay in nidaamyada difaaca cirka ee dalkaasi ay soo rideen tiro badan oo gantaallo iyo drones ah tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka ka dhashay xiisadda u dhexeysa Iran iyo xulafada reer galbeedka.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in 106 gantaal ballistic ah iyo 176 drone la burburiyay, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen Iran.
Ciidamada Baxrayn ayaa weerarradaasi ku tilmaamay “gardarro argagixiso”, iyagoo sheegay in gantaallada iyo drones-ka lagu bartilmaameedsaday goobaha rayidka iyo hantida gaarka ah, taas oo ay ku sheegeen xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga bani’aadantinimada caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Baxrayn, oo ah xulafo dhow oo Mareykanka ah isla markaana martigelisa saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Khaliijka, ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee si toos ah u dareemay saameynta xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.
