Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo Kormeeray Qorshaha Dhismaha Waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, oo ay wehlinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Galmudug, Maxamed Cabdi Cilmi, iyo Eng ka socda shirkadda Alnasri Group oo gacanta ku haysa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Dhuusamareeb iyo Qaradhi (60 km), ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay deegaanka Mareergur.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeer lagu Qiimeynayay qorshaha dhismaha waddada laamiga ah, waxaana kormeerku ku dhacay Mareergur iyo Dhuusamareeb. Mas’uuliyiinta ayaa halkaas kula kulmay dadka deegaanka kana xog-wareystay diyaar-garowga dhismaha waddada.
Mas’uuliyiinta shirkadda Alnasri Group ayaa sheegay in dhismaha waddada laamiga ah uu si rasmi ah u bilaaban doono waqti dhow, kadib marka la dhameystiro diyaargarowga farsamo iyo qalabka loo baahan yahay. Waxay sidoo kale sheegeen in mashruucan uu muhiim u yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana uu door weyn ka qaadan doono horumarinta isku xirka deegaanada iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.
Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ayaa ku bogaadiyay shirkadda iyo Wasaaradda Howlaha Guud dadaalka ay wadaan, ayaa xusay in Dowladda Hoose dhuusamareeb ay ka go’an tahay la shaqeynta cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Galmudug,Mashruuca waddadan laamiga ah ayaa la filayaa inuu noqdo mid wax weyn ka beddela isu socodka iyo horumarka deegaanada ku teedsan waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Qaradhi.