Iran Oo Sheegtay Inay Soo Riday 5 Drone Mareykanka & Israel.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in nidaamkooda cusub ee difaaca hawada uu saacadihii la soo dhaafay burburiyay shan drone oo hubaysan oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israel. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tasnim, drones-kaasi waxaa lagu soo riday magaalooyin kala duwan oo ku yaalla gudaha Iran.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada Iran ayaa sheegay in drone nooca Orbiter-4 lagu burburiyay Tabriz, halka drones Hermes lagu soo riday Andimeshk iyo Tehran. Sidoo kale drones MQ-9 Reaper ayaa lagu soo riday magaalooyinka Firouzabad iyo Bandar Abbas.

Ciidamada Iran waxay sidoo kale sheegeen in tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda militari ee gobolka, nidaamkooda difaaca hawada uu burburiyay ilaa 114 drone oo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa basaasnimada iyo kuwa weerarka.

Wararkan ayaa muujinaya sida ay u sii kordhayaan hawlgallada militari ee ka socda Bariga Dhexe, iyadoo Iran, Israel iyo Mareykanka ay isku dayayaan inay xoojiyaan awooddooda difaac iyo weerar.