Dowladda Masar ayaa sheegtay in la joogo xilligii dalalka Carbeed ay dhisan lahaayeen ciidan wadajir ah oo awood u leh difaaca amniga qaranka Carabta, xilli ay sii kordhayaan caqabadaha amni iyo colaadaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka gobolka. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Masar ayaa tilmaamay in xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladaha Carabta si loo ilaaliyo xasilloonida iyo madax-bannaanida dalalkooda.
Masar waxay caddeysay in midnimada iyo wada shaqeynta militariga ee dalalka Carabta ay tahay waddada ugu habboon ee lagu xoojin karo difaaca gobolka, iyadoo la tixgelinayo khataraha amni ee sii kordhaya. Dowladda Masar ayaa sidoo kale xustay in dalalka Carabta aysan ku tiirsanaan karin cid kale oo dibadda ah marka ay timaado difaaca amniga guud ee Carabta.
“Waxa la joogaa xilligii dalalka Carbeed ay samaysan lahaayeen ciidan wadajir ah oo difaaca amniga qaranka Carabta. Ma jirto cid kale oo aan isku hallayn karno marka laga reebo midnimadeenna iyo iskaashigeenna,” ayay dowladda Masar ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Hadalka Masar ayaa imanaya iyadoo marar badan horay looga hadlay fikradda dhismaha ciidan Carbeed oo mideysan, si uu uga hortago khataraha amni, uga jawaabo xaaladaha degdegga ah, isla markaana u xoojiyo awoodda difaaca ee dalalka ku bahoobay Carabta.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in haddii dalalka Carbeed ay ku heshiiyaan dhismaha ciidan wadajir ah, ay taasi keeni karto iskaashi militari oo xooggan iyo xasillooni amni, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladaha qaar ee gobolka.