Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabbilay Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ahna Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane George Conway.
Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Sugnaanta Cunnada ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta habraaca lagu fulinayo qorshaha ka hortagga iyo u diyaargarowga dhibaatooyinka sugnaanta cunnada (FSCPP). Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la dhiso guddi wadajir ah oo hoggaamin doona isku-duwidda iyo dabagalka fulinta qorshaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah si loo dardargeliyo u adkaysiga iyo ka jawaabista saamaynta abaaraha.