Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee TURKSOM,
Kormeerka Taliyaha ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ku kuurgalo xaaladda guud ee dugsiga iyo habsami u socodka tababarada ay qaadanayaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Intii uu halkaasi joogay, Taliyaha ayaa sidoo kale soo xiray tartan ciyaareed lagu Maamuusayey bisha barakeysan ee Ramadan, kaas oo u dhaxeeyay fasallada kala duwan ee kuliyadda TURKSOM.
Tartankaasi ayaa qeyb ka ahaa dhiirrigelinta iyo is-dhexgalka askarta ku jirta tababarka,iyadoona Ciyaartii kama dambaysta ahayd ay dhex martay laba kooxood oo ku kala ciyaarayay magacyada Fasalka 1-aad iyo Fasalka 3-aad, waxaana ugu dambeyn guusha raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca Fasalka 1-aad.
Ugu dambeyntii taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la afuray Layli Saraakiisha tababarka ku qaadanayo kuliyadda tababar turkisom.