Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guutada 14-ka October ee CXDS, oo kaashanaya Ciidamada Degaanka, ayaa lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkan oo ka dhacay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busleey Daauud ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa fuliyay cutubyo ka tirsan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Degaanka, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsanayay maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee dhibaateynta ku hayay shacabka. Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Dhexe Cabdiraxmaan Muunye oo hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, isla markaana ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.