Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar maalmo qaatay oo aan si rasmi ah loo shaacin halka uu ku maqnaa. Wararka ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu ku yimid diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Itoobiya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray hadal-heyn xooggan oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay madaxweyne Laftagareen, arrintaas oo ku soo beegantay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u jeediyay eedo kala duwan oo la xiriira faragelin siyaasadeed iyo arrimo maamul. Go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu sii xoojin karo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
Imaatinka madaxweynaha ee Baydhabo ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo jihada siyaasadda maamulka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee uu qaadi doono iyo sida uu u wajihi doono khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in haddii aan xal laga gaarin khilaafka, ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.