Iiraan waxay caawa weysay rag Miisaan culus leh oo taliyaal sare ah oo kala ah:-
1- Madaxii sare ee Golaha Amniga Qaranka Iran Ali Larijani.
2- Ku xigeenkiisii Golaha oo lagu magacaabo Alireza Bayat.
3- Taliyihii ciidamada Basij Gholamreza Soleiman.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa ka tacsiyeeyey geerida xanuunka leh iyo Taliyaasha culus ee Qaranka ka baxa, asaga oo intaasi ku daray a in dilka saraakiisha sare uusan wiiqayn nidaamka iyo qorshaha fog ee dowladeed, isagoo xusay in Iran ay leedahay hay’ado adag oo si buuxda u shaqeeya, waxay ahaayeen buu yiri Shudo dhiigooda u huraf dalka, dadka iyo diinta.
