Dowlada Somalia oo war ka soo saaray go,aankii MKG.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda ka soo cusboonaatay deegaanada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka jira. Wasaaraddu waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dalka, dowladnimada iyo in la xoojiyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee socda.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Koonfur-Galbeed inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalalaase, islamarkaana si degdeg ah loo xalliyo khilaafaadka jira iyada oo loo marayo wadahadal. Dowladda Federaalka waxay caddeysay inay si dhow ula socoto xaaladd

a, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta amniga, xasiloonida iyo danta shacabka.