Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose kula afuray saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Maamulka Deegaanka iyo odayaasha dhaqanka.
Kulankan afurka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta Ciidamada, maamulka iyo bulshada deegaanka si loo adkeeyo amniga iyo isfahamka guud ee Gobolka.
Taliyaha ayaa bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo maamulka Deegaanka isagoo tilmaamay in wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidamada iyo shacabka ay tahay furaha guusha