Wasaaradda Shaqada oo Shaacisay Fasaxa Laba Maalmood ee Ciidda Soonfur 2026 oo loogu Hambalyeeyay Umadda Soomaaliyeed

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wargelisay, isla markaana ugu hambalyeysay dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha hay’adaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya qaybaha gaarka loo leeyahay, munaasabadda Ciidda Soonfur ee sannadka 2026.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in fasaxa Ciidda Soonfur uu socon doono muddo laba maalmood ah, iyadoo uu si rasmi ah u bilaabanayo maalinta Jimcaha oo ku beegan 20-ka Maarso 2026, isla markaana uu ku eg yahay maalinta Axadda oo ku beegan 22-ka Maarso 2026.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan shaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan qiimaha leh ee ciidda, isla markaana ay muujiyaan isgarab istaag, wadajir, iyo farxad guud, iyadoo la xoojinayo xiriirka bulshada iyo qoysaska.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay shacabka ku dhiirrigelisay inay ilaaliyaan anshaxa iyo nabadgelyada inta lagu guda jiro maalmaha ciidda, si ay u noqoto munaasabad ku suntan farxad, xasillooni iyo wada noolaansho wanaagsan.