Galmudug oo ku dhawaaqday doorkeeda dhexdhexaadinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa ku dhawaaqay in dowlad-goboleedka Galmudug uu diyaar u yahay inuu door firfircoon ka qaato dhexdhexaadinta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mudane Cali Daahir Ciid ayaa tilmaamay in Galmudug ay ka go’an tahay ka shaqeynta nabadda, wada hadalka iyo xal u helidda khilaafaadka jira, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad waara oo u dhexeeya dhinacyada is haya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixin doonto sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon wadahadal miro-dhal ah, isla markaana la isugu soo dhoweyn lahaa aragtiyada kala duwan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan tanaasul, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danta guud iyo xasilloonida dalka, si loo gaaro horumar iyo midnimo qaran.