SoDMA oo biyo dhaamin gaarsiisay deegaanno ka tirsan Baay xilli ay jirto abaar daran

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka Abaaraha, ayaa gurmad biyo dhaamin ah gaarsiisay deegaanada Daaniyaa, Majiido iyo tuulooyin hoos yimaada Deegaanka Goofgaduud Buureey kuwaas oo kala hoostaga magaalada Baydhabo iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta ba’an ee ku habsatay bulshada ku nool deegaannadaasi, iyadoo baahida biyaha ay noqotay mid aad u daran.