Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkan oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ayaa lagu beegsaday firxadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaasi.
Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Dhamme Maxamed Cumar Dufaan, ayaa warbaahinta Ciidamada u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa baacsiga iyo wiiqidda awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka.