Xildhibaanka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa si kulul uga hadlay colaadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiso dagaallada socda, isla markaana u jeedsato xal siyaasadeed oo waara.
Xildhibaanka ayaa carrabka ku adkeeyey in dagaal uusan marnaba xal u noqon karin khilaaf siyaasadeed, isagoo tilmaamay in ku adkaysiga waddadaas ay tahay khalad istaraatiiji ah oo sii fogeynaya xalka, isla markaana dalka gelin kara xaalad halis ah. Wuxuu xusay in hoggaaminta saxda ahi ay ku jirto xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-faham, halkii laga dooran lahaa awood ciidan.
Sidoo kale, wuxuu xasuusiyey in Soomaaliya weli aysan ka soo kaban dhaawacyadii ka dhashay colaadaha sokeeye, isagoo sheegay in shacabka ku nool Koonfur Galbeed ay ka mid ahaayeen kuwii ugu dhibka badnaa ee saameynta ka soo gaartay dagaalladii sokeeye iyo kuwa argagixisada. Wuxuu intaas ku daray in taariikhda fog iyo tan dhowba ay muujinayso in dagaal uusan waligiis keenin xal waara, balse uu sii huriyo colaadda, dhaawaco kalsoonida bulshada, isla markaana jiilasha mustaqbalka uga tago dhaxal cuqdad iyo tabasho.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladnimo dhab ah aan lagu dhisi karin cabburin iyo qasbid, balse lagu gaari karo sharciyad, kalsooni, iyo is-aaminaad dhex marta bulshada iyo hoggaanka. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay muujiyaan masuuliyad, isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.
Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa soo dhoweeyey dadaallada nabadeed ee ay wadaan odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay doorkooda mid lama huraan u ah dejinta xiisadda iyo furitaanka waddo dhab ah oo loo maro wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed.