Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo magacabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga guud iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Difaaca looga dhageystay guulaha laga gaaray howlgalka Beder ee bishii Ramadaan ay ciidamada qalabka sida sameeyeen, kaas oo lagu xoreeyeen deegaannada kala ah Mubaakar iyo Daaru-sallaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, qarkana u saaran yihiin in ay xoreeyaan degmooyin waaweyn oo dalka ka tirsan.
Golaha, ayaa ansixiyey ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐š๐ฐ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐Ÿ—๐Ÿ–๐Ÿ–, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka XJFS.
Sidoo kale, shirka golaha ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magacaabidda taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliya, ๐™ญ๐™ž๐™ก๐™ ๐™–๐™–๐™จ ๐™ค๐™ค ๐™ก๐™ค๐™ค ๐™ข๐™–๐™œ๐™–๐™˜๐™–๐™–๐™—๐™–๐™ฎ ๐™Ž๐™–๐™ง๐™ง๐™š๐™š๐™ฎ๐™š ๐™‚๐™–๐™–๐™จ ๐™ˆ๐™–๐™ญ๐™–๐™ข๐™š๐™™ ๐™Ž๐™๐™š๐™š๐™ ๐™ ๐™“๐™–๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™“๐™–๐™–๐™ข๐™ช๐™™ oo horey xilal sare uga soo qabtay ciidanka qalabka sida, lehna sooyaal waxqabad oo wanaagsan.